Wararka laga helayo magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa sheegaya in Qalliin kale lagu sameyn doono guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan, iyadoo xaaladiisa la sheegay inay si tartiib ah usoo hagaageyso, balse ay adag tahay weli.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Qatar C/risaaq Faarax Cali (Taano) ayaa sheegay in dhaqaatiirta la tacaaleyasa xaaladiisa ay isu diyaarinayaan qalliin ay madaxa uga sameeyaan, iyagoo la tashanaya qoyskiisa iyo dowladda Somalia, wuxuuna intaas ku daray inuu ku naafsanayo qalabka xaaladda degdega ah ee ku xiran.
“Xaaladiisa aad waa soo hagaageysaa, markii diyaarada lagu keenayay Doha si fiican looma garan karin, hadda waa qof neefsanaya oo dhaq dhaqaaq sameynaya wax badan muuqaalkiisa waa soo laabtay, waxaa u yimid xaaskiisa iyo carruurtiisa” ayuu yiri Safiirka Soomaliya u jooga dalka Qatar.
Dhaawacyada gaaray C/raxmaan Yariisow ayaa u badan madaxda iyo Caloosha, waxaana magaalada Muqdisho qalliin looga sameeyay caloosha iyadoo madaxa xaaladiisa waxba looga qaban waayey magaalada Muqdisho, waxaana saacadaha soo socda la filayaa in qalliinkaasi lagu sameeyo.