Guddoomiye Yariisow oo Qas-wadayaal ku tilmaamay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa ‘Qaswadayaal” ku tilmaamay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho.

Yariisow ayaa ku eedeeyay xildhibaano uu ka mid yahay C/qaadir Cosoble Cali inay magac qabiil ku hadlayaan, kana soo horjeedaan horumarka uu sheegay inuu ka jiro caasimada, wuxuuna si gaara weerar ugu qaaday xildhibaanka.

Ad

“Caasimada anigaa guddoomiye ka ah, duq magaalana ka ah. Arrimaha caasimadda iyo maqaamkeedana shacabka soomaaliyeed oo aan wakiil ka ahay ayaan ka wadatashanay..” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo u warramay Dalsan TV.

Yariisow oo marar badan weerarro afka ah ku qaadya xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa ka carooday khudbada uu maanta jeediyay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in Dadka Caasimada aysan u baahneyn guddoomiye la soo magacaabo, balse ay muhiim ay tahay inay soo doortaan ciddii ay rabaan, taasoo ka careysiisay Yariisow.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,388FansLike
1,304FollowersFollow
3,464FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!