Beesha Kuumade oo Kismayo uga dhawaaqday Musharaxnimada Axmed Madobe. [Digniin loo diray Farmajo]

Shir ay taageerayaasha Axmed Madoobe ee Beesha Kuumade ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda Jubbaland, Doorashooyinka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha shirkaasi ka qeyb galay ayaa dad ka kala yimid dunida dacaladeeda ayaa lagu eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland, isla markaana la diidsiiyey xaqii ay ku lahayd dowaldda federaalka, iyadoo mas’uuliyiintii uga midka ahaa dowladda denbiyo lagu soo oogay, weliba ay bannaan yihiin xilalkaasi.

Ad

Waxay Baadil ku tilmaameen qoralkii kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee habraaca doorashada Jubbaland, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa qas abuur lagu khalkhal gelinayo nabadda Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Kuumade ay isku raacday inuu musharaxeeda kaliya ee doorashada Jubbaland uu yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana loo mahad celiyey Puntland oo ka hor timid faragelinta dowladda Federaalka.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,388FansLike
1,304FollowersFollow
3,464FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!