Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa qoraal cabasho iyo eedeyn ah u diray Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho.
Qoraalak ayaa u si kulul loogu cambaareeyey falalka ka dhanka ah faya-dhawrka iyo badbaadada deegaanka oo Xafiisyadaas ay kula kaceen xeebaha Muqdisho, iyagoo ku shuba qashin halis keeni kara. Wuxuuna sheegay in xarumaha Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho ay si khaldan qashin ugu shubaan xeebaha magaalada, taasi oo dhibaato xoogan ku heysa shacabka gobolka iyo badqabka deegaanka.
“Qashinka lagu daadinayo xeebaha Muqdisho waxaa uu dhibaato weyn ku hayaa kheyraadka Badda, iyadoona dad fara badan oo nolol ka raadsan jiray kheyraadka badda ay dhibaatooyin la kulmaan, waxaana isa soo taraya cabashada ay shacabka ka muujinayaan Qashinka faraha badan ee lagu shubo xeebaha, waana in si dhab ah loo qaataa cabashada shacabka” Ayaa lagu yiri Qoraal uu Duqa Muqdisho u diray Xafiisyada UN-ka iyo AU-da.
Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho ayaa hore qorshe arrinkan ku saabsan ugu soo bandhigeen sidii wax looga qaban lahaa arrinkaas, iyadoona ay ahayd in madaxda Xafiisyadaas ay mudnaan siiyaan qorshahaas.
AKHRISO QORAALKA

