Guddoomiyaha Gobolka Benaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha oo ka mid yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka ayaa sheegay in loo balanqaaday horumarin lagu sameeyo caasimadda.
Wafdiga Shiinaha iyo Maamulka G/Banadir ayaa ka wadahadlay sidii caasimadda looga hormarin lahaa dhinacyada dhismaha jidad casrif ah, dib-u-howlgelinta nalalka haga gaadiidka ee samaa-faraha, Soolarro casri ah iyo Bulaacadaha.
“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha,”. ayuu yiri Yariisow.
Ugu dambeyn, Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.