Thursday, July 17, 2025

Guddoomiye Yariisow oo Shuruud Culus kusoo rogay Shaqaalaha loo qaadanayo G/Banaadir

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa shaaciyey shuruud lagu soo rogay shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir.

Isagoo ka hadlayey xafladii uu xilka kula wareegay ayuu guddoomiye Yariisow sheegay inuu ogyahay guuxa shaqaleysiinta shaqaalaha dowladda hoose, isla markaana ay jiraan dad ay wataan danleyda siyaasadeed, isagoo sheegay in arrintaasi ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dadka hadda u shaqeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa doonaya in ay u shaqeeyaan lagu soo rogayo inay imtixaan maraan, iyadoo ciddii imtixaankaasi ku dhacdana ay meesha ka bixi doonto, sida uu yiri.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka mida hay’adaha ugu waaweyn ee shaqaaleysiiya tirada ugu badan shaqaalaha dowladda, iyadoo muddooyinkii danbe maamul kasta uu qorayay shaqaale fara badan.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON