Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiye Yariisow: “Shirkan Amniga waxaa looga gol leeyahay fulinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaran…”

Guddoomiyaha cusub ee maamulka G/Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka shirka Golaha Amniga Qaran oo uu guddoomiyey Madaxweyaha Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa mid heer federaal ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda Soomaaliya, madaxda maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida waxaana guddoomiye Yariisow uu sheegay in shirka looga hadlayo qaab dhismeedka Amniga Qaran.

“Shirka waxaa looga hadlayey amniga Soomaaliya, waxaa si rasmi ah u furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkan amniga waxaa looga gol leeyahay fulinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaran kaasi oo bishii Abriil ee sanadkii hore ay ansixiyeen madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir..” ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banadir oo ay tahay marki ugu horeysay ee uu shirkan ka qeyb galo.

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting

Image may contain: 5 people, people sitting

Image may contain: 6 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON