Monday, July 14, 2025

Guddoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal ee Baaralmaanka oo magacaabay [Magacyada]

Waxaa goor dhoweyd lagu dhawaaqay guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah kuwa ugu da’da weyn xildhibaanada la dhaariyay.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa ku dhawaaqay in shir-guddoonka ay la wareegayaan labada nin ee ugu da’da weyn ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Baarlamaanka ee Golaha Shacabka, waxaana uu shir guddoomin doonaa golaha inta laga dooranayo Guddoon rasmi ah.

Dhinaca kale  Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage  ayaa isna noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka sare, isagoo xilkaasi heyn doona inta laga dooranayo Guddoonka cusub.

Labada Xildhibaan ayaa si wada jir ah u shir-guddoomin doona labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo soo magacaabi doona Guddiga doorashada.

Labada guddoomiye ee cusub ayaa wadajir u guddoomin doona labada aqal ee Baarlamaanka inta aysan kala bixin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON