Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd qarax lala beegsaday guddoomiyaha Degaanka Garasbaalley ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey Gaar ahaan waaxda Fooriloow, halkaasi oo qaraxa culus uu haleelay Gaari uu la socday Guddoomiyaha degaanka Garasbaalley Maxamed Abuukar Afrax.
Wararka xaaladda Gudoomiyaha degaanka Garasbaaleey Maxamed Abuukar Afrax ayaa sheegaya inuu dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxa oo ahaa nooca Miinada ee dhulka la geliyo, waxaana burbur xoog leh soo gaaray Gaariga.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa xaqiijinaya inuu Guddoomiyaha u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray Qaraxa.
