Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyihii Degmada Xamarweyne oo shaqo Joojin lagu sameeyay [Akhriso: Sabab yaab leh oo lagu heysto]

Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg ayaa shaqada laga joojiyey, iaydoo lagu soo eedeeyay arrimo yaab leh oo ku saabsan hadallo kasoo yeeray.

Qoraal maanta kasoo baxay guddoomiye ku xigeenka, ahna kusimaha Guddoomiyaha G/banaadir ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta 5-ta Bisha Ogost 2018 shaqadii laga joojiyey guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye.

Arrimaha lagu soo eedeeyay ayaa  ka kooban saddex qodob, oo kala ah:

1- Inuu ka been sheegay ciidamada Booliska, kuna tilmaamay inaysan sugi karin amniga magaalada iyo degamda, iyaguna ay qaraxyada keenaan.

2- In Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay maamul Musuqmaasuq badani ka jiro.

3- Iyo in xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay tahay xukuumadda ugu musuqa badan.

Cumar Shariif Jeeg ayaa loo arkaa inuu yahay Geesi u bareeray inuu si cad uga hadlo  xaaldda dalka ka jirta, isagoo marar badan qeylo dhaan ka muujiyey qashinka faraha badan ee degmadiisa yaalla iyo xaaladda amniga, taasoo u muuqata inay xamili waayeen maamulka G/banaadir oo keentay in shaqadii laga fariisiyo.

HOOS KA AKHRI QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON