Monday, June 23, 2025

Guddoomiyihii Golaha Isbedel-doonka Jubbaland oo toogasho lagu dhaawacay magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in caawa halkaasi toogasho lagu dhaawacay mid ka mida xubnihii hormuudka u ahaa Golaha Badbaadada Jubbooyinka ee ka horjeeda Axmed Madoobe.

Dabley hubeysan ayaa magaalada Kismaayo toogasho ku dhaawacay Avv. Axmed Jaamac Qalyar oo madax u ahaa Golaha Badbaadada Isbedeldoonka ee Jubbaland, iyadoo falkan uu dhacay xilli uu ku sii socday masjid ku yaal magaalada Kismaayo, waxaana loola cararay isbitaalka oo qalliin lagu sameeyay, waxaana xaaladiisa lagu sheegay mid culus, balse ay xaaladiisa degan tahay.

Dableyda weerarka ku qaaday Axmed Qalyar ayaa la sheegay inay baxsadeen, wuxuuna falkan imaanayaa iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono xubnaha ku sugan magaalada Kismaayo ee madaxtinimad sheeganaya.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON