Tuesday, July 1, 2025

Guddoomiyihii hore Degmada Maxaas oo Maxkamad loo soo taagay Qarax lagu dilay ku-xigeenkiisa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta lasoo taagay guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas, Gobolka Hiiraan iyo nin kale, kuwaasoo ku eedeysan qaraxa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee isla degmadaasi,

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo nin lagu magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa maanta lasoo taagay Maxkamadda ciidammada darajada koowaad ee Qalabka Sida, waxayna xeer ilaalinta kusoo oogtay eedeymo la xiriira Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dhageysiga Dacwadda ayaa ka socota Maxkamadda ciidamada Qalabka sida, waxaana la filayaa in fadhi kale loo muddeeyo dacwadan.

Image may contain: 2 people, people sitting, beard and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON