Gudoomiyihii hore ee Degmadda Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose Cusmaan Sheekh Cali Buraale ayaa Qarax miino lagu dilay duleedka degmadda Baraawe.
Gaari nooca xamuulka ee N3 ah oo uu saarnaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Qoryooley Cusmaan Sheekh Cali ayaa la sheegay inay Miino ku qabsatay meel u dhow degmadda Baraawe, halkasoo uu ku geeriyooday, waxaana qaraxa ku dhaawacmay darawalkii gaariga.
Gaariga ayaa burbur xoog leh kasoo gaaray qaraxa iyadoo uu isla goobta ku dhintayCusmaan Sheekh Cali. waxaana isla saakay la aasay, wuxuuna muddooyinkii danbe madax ka ahaa shirkad dhiseysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.
