Baraha bulshada rasmiga ah ee Guddiga Doorashada heer federaal ayaa weli waxaa maamulaya madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo lagu qorayo inuu guddoomiye yahay Maxamed Xasan Cirro oo xilka ay ka qaadeen Guddiga Doorashada.
Barahan oo la xaqiijiyey inuu maamulka ugu sareeyo heysto agaasime ku xigeenka madaxtooyada, ayna qoraallada geliyaan xubno ka mida 5 xubnood ku harsan taageerada Farmaajo ayaa shaqadooda sii wata, iyagoo ku shaacinaya liisaskada kuraasta la dooranayo iyo dhaqdhaqaaqa guddoomiyihii hore Maxamed Xasna Cirro.
Khilaafka Guddiga Doorashada Heer Federaal oo in muddo ah taagnaa ayaa kusoo dhammaaday in 15 xubnood oo Guddiga ka mida ay ka ku jiraan Guddoomiye kuxigeenka, Afhayeenka iyo xubno kale ay xilka ka qaadaan Guddoomiye Cirro 25 Disembar 2021 oo lagu eedeeyay kala qeybinta Guddiga iyo la saftay xafiis gaara.
Guddiga ayaa shaaciyey in baraha bulshada Guddiga ay lala wareegay oo aanay sax ahayn wararka lagu soo qoro, inta ay gacantiisa kusoo laabaneyso.
