Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyihii & Xoghayihii Degmada Wadajir oo ku dhaawacmay Qarax is-miidaamin ah

Wararkii ugu danbeeyay qarax weyn oo is-miidaamin ah kaasoo duhurtii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan ayaa la xaqiijiyay inuu qaraxa ku dhaawacmay, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray xoghayaha degmada Wadajir iyo qaar ka mida ilaalada guddoomiyaha.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo sidoo kale siday khudaar fara badan, waxaana lagu dhuftay albaabka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan
Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan

Guddoomiyaha dhaawacmay ayaa ka mid ahaa Guddoomiyeyaashii bishii la soo dhaafay loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo muddo bil ku how xilka hayay.

Alshabaab ayaa sheegtay qaraxa ka dhacay degmada Wadajir, waana qarixii labaad ee weyn oo Muqdisho ka dhaca muddo toddobaad gudihiis ah.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON