Xildhibaannada Galmudug ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyey kadib doorashadii Guddoonka cusub ee Baarlamaankaasi oo kulankan isugu yeeray.
Fadhiga maanta ee Baarlamaanka Galmudug ay looga hadli doonaa dhismaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo lagu wado inay dhacdo dhowaan iyadoo ay ku tartamayaan musharxiintii ugu badneyd ee xilkan isu soo taaga.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa muhiimad gaara leh, waxaana shalay go’aan kasoo saaray 3 musharax oo xilkan u taagan oo kulan la yeeshay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug.
Waxaa xilka Madaxweynaha Galmudug u taagan ilaa 7 musharax oo 3 ka mida ay si weyn uga horjeedaan musharaxa ay wadato dowladda Soomaaliya, waxayna ku hanjabeen inaysan markhaati beenaale ka noqon doonin Doorashada haddii aan wax laga bedelin sida wax u socdaan.