Madaxweynayaasha JUbbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho oo ay maanta yimaadeen, kadib khilaaf muddo ku dhow 2 sano kala dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa Garoonka Muqdisho daqiiqado kusoo hor maray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si aan hore loo arag ula kulmay Gudoomiyaha GGuddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed oo aan sugin ee albaabka diyaaradda intii aanu kasoo bixin ugu galay, taasoo isaga iyo dad badan ka yaabisay, si weyna loogu hadal ayo baraha bulshada Soomaalida.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayuu sidoo kale soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, inkastoo soo dhoweynta rasmiga ah uu lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa haddana Garoonka iskood u tegay wasiiro ka tirsan xukuumadda xilka sii heysa sida: Wasiirka Arrimah dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye iyo kuwo kale.
Dadka soo dhoweynta ka qeyb galay waxaa kamida xildhibaannada labada aqal, siyaasiyiin kala duwan, maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne lasoo abaabulay.




