Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa weylo-dhaan kasoo saaray xubno Alshabaab ka tirsan iyo qoysaskooda oo uu sheegay inay qulquleayaan magaalada Muqdisho.
Wuxuu ugu baaqay dadka kunool Magaalada Muqdisho inay isha ku hayaan dadkaasi Alshabaabka iyo qoysaskooda ah, soona sheegaan, inta aanay sameyn amni darro ah.
“Meesha bahallo-galeenka ah waa taqaaniin, cidda wax kasta soo dhoweysata waa taqaaniin, waa magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho soo dhoweynta inaysan u dhiman ayaan rabnaa. Maalin kasta in la yiraahdo baabuur qarax sida ayaa meel hebel jooga ee khalkhald dadka ay ku noolaadeen, suuragal maaha..” ayuu yiri Yusuuf Boorsaani
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaallada looga horjeedo Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, taasina ay keentay in markii lagu soo jebiyay ay Carruurtooda iyo Xaasaskooda soo geliyeen Magaalada Muqdisho.
Muqdisho ayaa xaalad cabsi ah ku jirtay tan iyo intii uu dhacay Qarixii Soobe ee labaad 29-kii Oktoobar 2022, waxaana xarumo badan a dhigay ciidamo dheeraad ah, iyadoo la saadaaliyay inay qaraxyo dhici karaan.
