Monday, June 23, 2025

Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland oo shaaciyey inuu qabtay Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha

Wararkii ugu danbeeyay Garowe ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland loo gudbiyey ku xigeenkiisa, iyadoo xalay uu dagaal dhex maray ciidamada Booliska Puntland iyo ciidamo ilaalo ka ahaa xarunta Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan ayaa shaaciyey inuu qabtay mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamanka Puntalnd, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), kaasoo ay saxiixeen 44 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in guddoomiyaha Dhoobo-Daareed lagu soo eedeeyay qodoboo ay ka mid yihiin inuuku gefay Dastuurka Puntland, sida in Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil iyo inuu xarunta Baarlamaanka Puntland geeyay maleeshiyo hubeysan.

Khilaafka madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa yimid kadib markii kooxda taageersan Madaxweyne Deni ay sheegeen in Guddoomiye C/xakiin Dhoobo-Daareed uu xiriir hoose la yeeshay Madaxda Dowladda Federaalka.

Waxaa lagu wadaa inuu shir yeesho baarlamaanka Puntland si uu uga doodo mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha, iyadoo xaaladda magaalada Garowe ay tahay mid kacsan.

Shaqaaqadii xalay ka dhacday magaalada Garowe oo ay ku dagaalameen ciidamada Booliska iyo ilaalada xarunta Baarlamaanka ayaa dhalisay inay ku dhintaan ilaa 3 qof, ayna ku dhaawacmeen saddex kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON