Monday, June 23, 2025

Gurigii Safiirka Somaliya ee Dalka Sudan oo la bililiqeystay iyo Gaadiid laga qaatay

Wararka laga helayo magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan ay bililiqeysatay Gurigii Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi, kana qaateen wixii yaallay.

Maleeshiyaad hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Birmadka degdega ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda Suudaan ayaa maanta galay, kadibna bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Arrintan ayaa waxaa xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku sheegay in la qaatay Baabuurtii Diblomaasiyiinta Soomaalida ee safaaradda.

Ad

“Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay Guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, lana qaatey gawaarigiidii Safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta” ayuu safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan ku yiri qoraalkiisa.

Suudaan oo bishii labaad ku jirta dagaal culus oo ka socda caasimada iyo gobollo kale oo dalkaasi ka tirsan ayaa qarka u saaran dagaal sokeeya, waxaana laga cabsi qabaa in dalkaasi uu kala daato.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON