Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku-Xigeenkiisa Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed qaabilaad soo dhoweyn u ameeyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Sanbaloolshe oo maanta loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Cali Guudlaawe ugu hambalyeeyay guusha uu maanta gaaray waxa uuna kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
Kursiga uu kusoo baxay Xildhibaan Sanabloolshe ayaa ahaa mid ka mida kuwa ugu adag ee yaalla magaalada Beledweyne ee Maamulka Hirshabelle.



