Waxaa Allaha u naxariistee maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta magaalada Muqdisho oo muddo dheer ku jiray siyaasadda.
Qanyare oo ku caan baxay aftahannimo iyo hadallo cac-cad oo aanu ganban ayaa soo noqday hoggaamiye kooxeed ka taliya qeybo ka mida magaalada Muqdisho, Wasiir ka tiran dowladihii C/qaasim Salaad iyo C/llaahi Yuusuf iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qanyare wuxuu ugu duwanaa hoggaamiyeyaashii kale ee magaalada Muqdisho inuusan wax xiriir ah la yeelan dowladda Itoobiya oo ahayd halkii laga taageeri jiray hoggaamiye kooxeedyada dalka ka jiray oo hubka ay ka heli jireen, wuxuuna si weyn uga horjeeday dowladii Itoobiya ee ay hoggaaminayeen Tigreega laga soo bilaabo 1990 ilaa 2018.
Kadib markii maxkamadihii islaamiga ahaa ay la wareegeen magaalada Muqdisho oo ay isaga baxeen hoggaamiyeyaashii uu ka midka ahaa, wuxuu Qanyare aaday degaanka Derri ee Gobolka uu Galgaduud oo uu kasoo jeedo, waxaana wareysi lala yeeshay uu Maxkamadaha islaamiga ugu baaqay inay dalka ka difaacaan Itoobiya.