Halheyska ‘Nabad & Nolol” oo Muran ka dhaliyey fadhigii Baarlamaanka & Wasiir lagu qabsaday [Daawo]

Fadhigii xildhibaannada Baarlamaanka ee maanta oo la soo hordhigay Xeerka Shirkadaha ayaa waxaa dood laga keenay hal-heysa kooxda xilka heysa ee Nabad & Nolol oo ku jiray qoraaladii ku lifaaqnaa xeerkaasi.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa Baarlamaanka ka sheegay inuu ku arkay Xeerka ereyga “Dowladda Nabad & Nolol”, isla markaasna aan dowladda Soomaaliya la oran karin dowladda Nabad iyo Nolol, xeerkuna yahay mid muddo dheer jiraya oo aan lagu dari karin halheys ay koox leedahay.

Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa difaacay arrintaasi isagoo sheegay in xeerka aaanu  ka mid ahayn eregaygaas, balse qoraal uu qoray isaga ay ku jirtay, Nabad iyo Nolol ay tahay sharci.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey ayaa isna taageeray xildhibaanka oo sheegay in dowladda aan la oran karin Nabad iyo Nolol ee ay tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,748FansLike
532FollowersFollow
2,354FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,748FansLike
532FollowersFollow
18FollowersFollow
2,354FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!