Thursday, April 25, 2024

Halkee ku danbeeyay Mukhtaar Roobow – Musharixii Madaxweynaha ee Maxbuuska Noqday..?

Ciidamada Itoobiya ee ku howlgala magaca AMISOM ayaa 9-kii bishan Disembar 2018 magaalada Baydhaba ka qabtay musharaxii u taagnaa xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Mukhtaar Roobow Cali.

Roobow oo markii danbe loo gacan geliyay dowladda Itoobiya aya saacado kadib laga dejiyey magaalada Muqdisho, waxaana markaas kadib la waayey meel uu ku danbeeyay iyo warkiisaba, inkastoo ay baaqyo lagu dalbanayo sii deyntiisa ka soo yeeraan Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaanno iyo odayaasha maamulka K/Galbeed.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay jirdil kula kaceen markii ay sida awoodda ah ugu qabteen xarunta madaxtooyada magaalada Baydhaba, waxaana ilo ka tirsan NISA ay sheegeen inuusan qabin wax dhaawac ah, marka laga reebo is-jiidjiid iyo jug hoose.

Ad

Mukhtaar Roobow oo taageerayaal ku sheegay K/Galbeed xarigiisuna dhaliyey rabshado dad ku dhinteen ayaa hadda ku xiran xarunta weyn ee NISA, halkaasoo uu hore ugu jiray, waxaana dib loogu celiyay goobtii uu ku xirnaa iyadoo dowladda Somalia ku eedeysay inuu nabadgelyo darro waday, isla markaana abaabulay maleeshiyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON