Saturday, August 2, 2025

Hanti dhowrka cusub ee Xukuumada oo si lama filaan ah xilkii loogu wareejiyay [Sidee ku dhacday..?]

Hanti dhowrka cusub ee xukuumadda Soomaaliya ay soo xushay Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)  ayaa maanta xilkii lagu wareejiyay.

Xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana ku wareejiyay ku simihii Hanti dhowraha Qaranka Cali Abuukar Axmed.

Hanti dhowraha cusub ayaan marin sharciga hanti dhowrka dalka, kaasoo ay ku caddahay inay soo jeediso xukuumadda, ayna u codeeyeen xildhibaanada Baarlamaanka, marka lagu soo xulo tartan furan oo aqoon lagu kala baxayo, taasoo aan dhicin, waxaana muuqata in xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay hanti dhowr ay iyadu leedahay magacaabatay, kaasoo aan la ogeyn inuu la xisaabtami karo ciddii soo magacawday.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonaan Baarlamaanka Federaalka oo ay hadda markii ugu horeysay ee shaqo uu isagu leeyahay ay la wareegtay xukuumadda.

Xil ka qaadistii hanti dhowrkii hore ayaa waxaa hareeyay shil uu ku lug yeeshay ee dilkii Wasiirkii Howlaha Guud, wuxuuse sheegay inaysan Gole wasiiro xil ka qaadi karin.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON