Sunday, July 6, 2025

Hanti-dhowrka Guud: “Ma jirto meel ay Warbixinteena uga jirto Lacag la lunsday, laakiin waxaa…”

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey warbixin sanadeedkii Miisaaniyadda dowladda Federaalka, isagoo sheegay in warbixinta ay ahayd tii ugu horeysay ee dhammeystiran.

Hanti dhowrka ayaa sheegay in warbixinta ay kasoo baxeen in hay’adaha dowladda ay ku shaqeeyaan sharciyo duugoobay oo aan la shaqeyn karin nidaamka federaalka oo ka yimid dowladii hore ee Kacaanka, ayna heleen khaladaad ku jiray maamulka maaliyadda dowladda Somalia, iyadoo xisaab dowladda Somalia uga furan dibadda aanu ku jirin wixii loo soo gudbiyey xafiiskooda.

“Haddii si fiican loo akhriyo warbixinta, ma jirto meel ay uga taallo in lacag la lunsaday.., laakiin waa iska caado in mar waliba oo warbixino noocan oo kale ah soo baxaan in qof waliba sidii uu rabo u adeegsadaan, qaarkoodna ay dano gaara ka leeyihiin..” ayuu yiri Hanri howdhrka guud, isagoo sheegay in warbixintan ay madaxda Soomaaliyeed u ifineysaa sidii loo sixi lahaa khaladaaska maaliyadeed ee dalka ka jira.

Wuxuu sheegay in warbixinta ay siineyso Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha xog ah ka eegi karaan sida wasiirada dowladooda ay u shaqeynayaan, iyadoo Baarlamaanka uu ka heli karo sixitaanka maamulka Maaliyadda dowladda Federaalka.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON