Iyadoo dowladda Federaalka ay xayiraadii ka qaaday siyaasiyiinta tegaya magaalada Kismaayo ayaa waxaa laba diyaaradood u qaatay magaalada Kismaayo siyaasiyiintii ku sugneyd magaalada Muqdisho ee hore loo xayiray.
Diyaaradda hore waxay qaaday wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xisbigiisa, kana mida xildhibaannada labada Gole, iyadoo diyaaradii labaad ay wada raaceen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan xisbiyada ay hoggaamiyaan iyadoo goor dhow ka degaya Garoonka magaalada Kismaayo.
Saaka waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi kale oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, iyadoo soo dhoweyn weyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa hadda la ciirciireysa madax hore iyo siyaasiyiinta mucaadka ku ah dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa inay ka dhacdo xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn.