Wednesday, June 25, 2025

Hanti dhowrka oo baaritaan ku wada Maamulka G/Banadir [Yariisow oo laga xayiray inuu lacag la baxo]

Hanti Dhawrka Qaranka oo xayiraad kusoo rogay in wax lacag ah laga bixiyo Akoonada Maamulka G/ Banaadir ee ka furan bankiyada gaarka ah.

Sida ku cad Qoraal uu hanti dhowrka guud Maxamed Maxamuud Cali oo saaray maanta 28-ka April 2019 waxaa la faray Bankiyada gaarka loo leeyahay aan laga bixin karin wax lacag ah inta ay socoto baaritaanka sanadlaha ah ee Dastuuriga, waxaana Arrintan la ogeysiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Amarkan ayaan wax saameyn ah ku yeelan doonin dakhliga u soo xarooda dowladda hoose ee Muqdisho, waxaana xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu hore uga soo saray Gobolka Banaadir inuu takri falo dhaqaalaha u soo xarooda, isla markaana dhaqaalaha lixdii bilood ee sanadkii hore la musuqmaasuqay.

Lama oga in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bankiyada uu lacagaha dhigto u hoggaansami doonaan amarka hantidhowrka guud oo dood ka taagan tahay inuu awood u leeyahay baaritaanka maamulka Gobolka Banaadir.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA HANRI DHOWRKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON