Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa ka jawaabay Qoraalkii Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka Baarlamaanka uu u jeediyay Wasaaradda maaliyadda iyo Hey’addaha dowladda inay ku kaceen wax is daba marin, maamul xumo iyo musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka ee sanadkan 2018.
Qoraalka Hantidhowraha Guud ayaa loo diray Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, waxaana cinwaan looga dhigay Iftiimin iyo Talo ayaa loo diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweynaha, waxaana lagu sheegay in walaac uu ka qabo xafiiska Hanti dhowrka qoraalka ka soo baxay Guddiga Maaliyadda, isla markaana uu ahaa qoraal gudaha Baarlamaanka, balse u gudbay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.
Hanti dhowrka Guud ayaa sheegay in dhammaan warqada Guddiga shaaciyay ay ka soo hormareen waqtigooda, isla markaana aanay jirin talo ama xog hubin ah ay ka soo dalbadeen xafiisyadii u igmanaa howlahan inta aanay soo bandhigin qoraalkooda.
Xafiiska Hanti dhowrka ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah:-
1- in dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran
2- in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo
3- in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka Guud oo u muuqda mid difaacaya Xukuumadda ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinta berri loo balansan yahay in Baarlamaanka uu cod u qaado sharciga Hanti dhowrka Guud.