Thursday, June 26, 2025

Haweeney ahayd Sarkaalad Boolis oo Caawa toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dileen haweeney ka tirsaneyd ciidamada Booliska.

Dilka ayaa ka dhacay caawa xaafadda Zeybiyaano, degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana  magaceeda lagu sheegay  Kaaha Jaamac, iyadoo xiliga la toogtay ku sugneyd dukaan ay ku leedahay xaafadda.

Kaaha ayaa ahayd sarkaalad ka tirsan ciidamada Booliska, oo habeenkiisna ganacsi yar ku heysatay xaafadeeda, waxaana dilkeeda ka dambeeyay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa kuwaasoo goobta ka baxsaday falka kadib.

Dilalka khaarijinta ah ee saraakiisha, dadweynaha iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa joogta uga dhaca magaalada Muqdisho , iyadoo ay inta badan baxsadeen kuwa geysta falalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON