Thursday, April 18, 2024

Haweeney ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Hooyo iyo Caruurteeda ah oo ku dhintay Qaraxii maanta

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dadka ku dhintay qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay barta Isgoyska Ceelgaabta ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa xaqiijiyey inay qaraxa ku geeriyootay haweeney howl-wadeen ka ahayd xafiiskaasi oo lagu magacaabo Hibaaq Abuukar. Waxaana tacsi yu diray xubnaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale.

Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan ayaa lagu tilmaamay gabar aqoonyahan ah oo wax kusoo baratay dalka Malaysia, waxayna ka mid ahayd shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal wasaraha, waxayna ahayd la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha ee dhinaca Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

Ad

Dhinaca kale afhayeenka Booliska ayaa sheegay in dadkii ku dhintay Qaraxii maanta ay ka mid ahayeen hooyo iyo laba caruur ah caruur ah oo ay dhashay (3 sano iyo 4 sano jir), kuna socday MCH-ka Ceelgaabta oo ku bas beelay gaari uu qaraxu haleelay oo la kulmay qaraxa.

Alshabaab ayaa sheegatay qarax loo adeegsaday gaari uu waday qof is-miidaamiye ah, waxaana qasaaraha guud uu gaaray 8 dhimasho ah iyo 14 kale oo dhaawac ah, sida Boolisu sheegay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON