Wednesday, July 16, 2025

Haweeney ku soo biirtay Agaasinka cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya [Akhriso Faahfaahinta]

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii wada isbedelka maamulka madaxtooyada ayaa magacaabay agaasime ku xigeen cusub oo Villa Somalia yeelaneyso.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Marwo Aamina Saciid u magacaabay inay noqoto agaasime kuxigeenka Villa Somalia, waxayna hore u soo noqotay xildhibaanadii Baarlamaankii KMG ahaa.

 

Aamina ayaa loo magcaaabay agaasime kuxigeenka Villa Somalia ee  Maamulka iyo Maaliyadda,  waxaana la yaab leh in xilkan laga qaaday agaasime ku xigeenkii hore oo maalmo kooban xilka hayay.

Waxay ka hoos shaqeyn doontaa agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin, iyadoo uu xil ahaan ka hooseeyo ninka ugu awoodda badan madaxtooyada agaasime kuxigeenka labaad C/risaaq Shoole.

Lama oga in madaxtooyada Soomaaliya ka bixi doonto isbedelka joogtada ah ee ku socday tan iyo intii uu xilka la wareegay Madaxeyne Farmaajo iyadoo muddo saddex bilood ah ay soo mareen saddex agaasime iyo 4 agaasime xigeen.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON