Iyadoo la shaaciyey natiijada Doorashadii Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa waxaa markii ugu horeysay magaalada Addis ababa laga soo doortay qof Soomaali ah oo caasimadda Itoobiya u meteli doona Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Saxarla Cabdullaahi Xaaji Bahdoon oo ahayd wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa oqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan ahaan loogu doorto magaalada Addis Ababa.
Waxaa Saxarla laga soo doortay xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah. Waxayna ku tartamaysay oo soo sharxay xisbiga EPP ee ka tirsan Isbaheysiga talada haya kaasoo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay.

Haweeneyda Saxarla Cabdullaahi Xaaji waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF. Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi.
Waxay kusoo barbaartay magaalada Jigjiga, laakiin waxay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay. Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo leeyahay.
2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan.

Shantii sanadood ee ay ka tirsanayd baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, Saxarla waxa ay aheyd gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee baarlamaanka.
Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika.
2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hoggaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi.
Dhinaca kale Kuraasta golaha deegaanka ee magaalada Adis ababa oo gaareysa 138 kursi, waxaa ku wada guuleystay xisbiga PP, waxaana xildhibaanaada Golaha Degaanka caasimadda Itoobiya ka mid noqatay labo gabdhood oo Soomaali ah.
Waxaa lagu kala magacaabaa Farxiya Maxamed Cumar oo ah wasiiru dowlaha dhaqanka ee dalka Itoobiya iyo Faa’isa Maxamed Cumar oo ah madaxa xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska is-maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa ka mid noqonaya golaha cusub eAddis ababa.
