Wednesday, July 2, 2025

Wasiir Dubbe iyo Maareeye oo la kala saftay Labada Garab ee Guddiga Doorashada Somaliland u kala jabay

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo Wasiirkii hore ee xilka ku wareejiyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kala taageeray labada Garab ee uu u kala jabay Guddiga Doorashada Somaliland.

Wasiir Dubbe ayaa taageeray qeybta ka mida Guddiga Doorashada Somaliland oo uu magacaabay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo dooratay guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen, isagoo hambalyo u diray.

“Hambalyo Khadar Xariir iyo Najiib Xuseen oo loo doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddida Doorashooyinka labada aqal ee Somaliland. Ilaahay ha idiin fududeeyo xilkaas culus” ayuu Wasiir Cusmaan Dubbe ku yiri farriintiisa hambalyada ahayd.

Xildhibaan Maareeye ayaa isna soo dhoweeyay guddoonka ay doorteen Guddiga Doorashada Somaliland Garabka uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare, wuxuuna farriintiisa ku yiri:” Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoonka cusub ee ay galabta doorteen Gudiga Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee Somaliland oo Gudoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, Gudoomiye kuxigeenna u doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.”

Maareeye wuxuu sheegay in Doorashada Gudoonka Guddiga uu goobjoog ka ahaa Guddiga Doorashada ee heer Federaal. Wuxuuna Alle uga baryayin uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa u kala qeybsan laba garab oo kala taabacsan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo aan lagu guuleysan in la mideeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON