Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho Caawa laga soo dejiyey haweeney xabsi dheer lagu xukumay oo muddo 5 sano ku ah ku xirneyd dalka Kuwait.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ayaa Garoonka kula wareegay Faaduma Cabdullaahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018, Fatima, kadib markii lagu helay deni, laguna xukumay xukumay 15 sano oo xarig ah.
Mudada Xabsiga ayaa waxaa kala bar ka cafiyey Amiirka dalka Kuwait, waxaana dadaal dheer iyo xiriiro arrinteeda lagala sameeyay madaxda dowladda Kuwait kadib, suuragal noqotay in maanta 10 Oct 2022 dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo.
Faaduma Cabdullaahi ayaa inta ka dhiman xarigeeda ku qaadan doonta magaalada Muqdisho, sid aay labad adla ku heshiiyeen. Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Yaxye Maxamuud Siciid ayaa la wareegay maxabuusadda, waxaana loo gudbiyay xarunta Denbi Baarista Dalka ee CID, si arrinkeeda sharciga loo waafajiyo.
