Monday, July 14, 2025

Haweeney Waxyaabaha Qarxa xiran oo toogasho lagu dilay xilli ay isku qarxin rabtay…

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada degmada Baardheere ay toogasho ku dileen haweeney la sheegay inay ahayd is-miidaamiye xiran waxyaabaha qarxa.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in Ciidamada ku sugan degmada Baardheere ay maanta toogasho ku dileen Haweeney rabtey inay isku qarxiso saldhiga Booliska degmada Baardhere. Waxaana la sheegay inay ka degtay Gaari Mini-Bus (Caasi ah) oo ka tegay magaalada Baydhaba, iyadoo kadibna Bam gacmeed ku tuurtay ciidamo ku sugnaa afaafka hore ee Saldhigga.

Bambada ayaa dhaawacday 2 askari, waxaana rasaastii lagu furay ku geeriyooday haweeneydaasi oo markii la dilay kadib baaritaan lagu sameeyay, iyadoo laga soo saaray waxyaabo qarxa oo jirkeeda ku xirnaa iyo Lambar sireed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON