Shirkadda Facebook ayaa wajaheysa dhibaatadii ugu weyneyd ee uga timid mas’uul ka tirsanaa shaqaalaheeda oo shaciyey sir u qorsooneyd, taasoo keentay in lagu soo baraarugo xaaladda shirkadda weyn ee bulshada dunida adeegsato.
Madaxii hore ee wax-soo-saarka Shirkadda Facebook haweeneyda lagu magacaabo Frances Haugen ayaa shirkadda ka tagtay bishii May 2021, waxayna kala baxday Dokumentiyo muhiim ah oo shirkadda sir u ahaa, iyadoo siisay Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal si taxane ah usoo bandhigaya.
Frances Haugen waxay muddo kadib dibadda usoo baxday, iyadoo shaacisay inay tahay qofka saxaafadda siiyey dokumentiyada Shirkadda Facebook, waxayna wareysiyo siisay Tv-yada waaweyn ee dalka Mareykanka, ugu danbeyntiina waxay hor tagtay maanta Guddi ka tirsan Koongareeska Mareykanka, iyadoo ku markhaati fureysa shirkadda Facebook.
Arrimaha ugu waaweyn ee Facebook lagu eedeeyay waxaa ka mida:
1- Inay danaheeda iyo faa’iido raadinta ka hor mariso inay ka hortagto falal dembiyeedyada iyo sharci jebinta ka dhacda Facebook
2- In madaxda Facebook ay og yihiin sharci darro badan oo ka socda mareegta, balse ay iska indha tiraan si ay danahooda u eegtaan.
3- In Facebook ay la socoto, waxna ka qaban in aaladaheeda sida Instagram xaalado caafimaad oo halis ah ku abuureen dhalinyaradda adeegsata.
4- In sida Facebook u shaqeyso aanay fahmi karin cid dibadda uga timaada, waxna aan laga qaban karin sharci darrada ay ku kacaan.
5- Iyo in Facebook qeyb ka yahay fidinta abuuraya fitnada, beenta abaabulan iyo falalka kicinta iyo taageerada gacan-ka-hadalka.
Frances Haugen ayaa ku eedeysay shirkadda Facebook in ay ka warqabto waxyeello muuqata oo soo gaarta qaar ka mida dhallinta Instagram -ka iyo in aysan daacad ka ahayn la-dagaallanka nacaybka iyo wararka khaldan.
“Hoggaanka shirkaddu waa yaqaan sida Facebook iyo Instagram looga dhigo kuwo nabdoon laakiin ma sameyn doonaan isbaddallada lagama maarmaanka ah, maxaa yeelay waxay danaha dadweynaha ka hor mariyeen faa’iidooyinkooda. waa inuu tallaabo qaado Kongareeska..” ayey tiri Frances Haugen oo hor tagtay Guddiga Koongareenka u qaabilsan ganacsiga iyo dhowrista macaamiilka.
