Ra’iisal wasaarihii hore ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isgoo markii ugu hoeysay caddeeyay mowoqfkiisa xaaladaha dalka ka taagan.
Ugu horeyn wuxuu ka digay inay Soomaaliya noqoto sida Afghanistan oo markii ay beesha Caalamka ka niyad jabtay ay Daalibaan la wareegtay dalkaasi, isagoo madaxda is khilaafsan ugu baaqay tanaasul.
Khudbad uu warbaahinta siiyey ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay khilafka madaxda sare ee dalka, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro, lana dedejiyo Doorashada dalka oo wax kasta oo kalena la dhigo, taasoo ah dariiqa kaliya ee furan, sida uu yiri.
Arrinta Galmudug ayuu sheegay inuu si aan leexleexad lahayn u taageerayo maamulka Galmudug oo waqti badan iyo hanti la geliyey dhismihiisa, lana ogolaan karin xilligan inay koox hubeysan ay qabsadeen degaano nabdoon.
Wuxuu soo jeediyey in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda ku shaqada leh si ay cadaalad u helaan qoyskeeda, isagoo dhinac kale cambaareeyay dadka laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.
