Tuesday, June 24, 2025

Haweeneydii si aan la fileyn loogu doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Haweeneydii ugu horeysay ee ka mid noqota xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa loo doortay xilkaas.

Samzam Daahir Maxamuud ayaa lagu doortay Baarlamaanka Galmudug doorashadii ka dhacday maanta oo 5 ka mida 8 kursi oo Galmudug ay ku leedahay Aqalka sare lasoo gabagabeeyay.

samsam
Samsam Daahir – Haweeneydii ugu horeysay ee Aqalka sare loo doorto

Haweeneydan ayaa hantisay kursigii Aqalka Sare ee Baaralamaanka ka heshay Beesha Waceysle, waxaana la tartantay haweeney kale oo lagu magacaabo Faadumo Macalin Cumar. 

Samsam Daahir ayaa heysatay taageerada madaxweyne  Xasan Sheekh oo toos ah iyo taageerada madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo doonayay inuu u adeegsado qoondada haweenka.

C/qaadir Macalin Nuur oo xilkaasi hore isugu soo sharxday kuna so baxay liiskii Galmudug ayaa ka baxay doorashada, kadib markii culeys ka soo wajahay madaxweynaha Xasan Sheekh oo siyaasad ahaan col yihiin.

Doorashada Aqalka sare ee Galmudug  ayaa la dhameystirayaa maanta beri ah oo la dooran doono 3 kursi oo harsan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON