Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa markii ugu horeysay haweeney loogu magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Xilkan ayaa loo magacaabay Jihaan Cabdullaahi Xasan, waxaana qoraalka Wasiirka lagu sheegay iyadoo la tixgelinayo khibradda iyo aqoonta ay u leedahay hwolaha shaqo ee wasaaradda Gaanshaanhigga loo magacaabay Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaan dhigga Soomaaliya, xilkaasoo uu hore u hayey Warsame Maxamuud Xasan.

Jihaan C/llaahi ayaa la sheegay inay ka mid ahayd howlwadeennada Wasaaradda ee muujiyey howl-karnimo iyo shaqo dheeraad ah, iyadoo qeyb ku lahayd dib u habeynta ciidamada iyo diiwaangelintooda, waxaana magacaabiddan la sheegay inay ka timid Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
HOOS KA AKHRISO
