Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Cilmi baarista Itoobiya fadhigeedu yahay ee CRCD ayaa lagu sheegay xog ku saabsan heshiis Kenya la gashay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo u sharxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inay jirto xog ku saabsan rabitaanka dowladda Kenya ee ah in madaxweyne uu Soomaaliya ka noqdo Cumar C/rashiid. Warbixinta ayaa sheegtay in Ra’iisal wasaaraha xilka ka tegaya uu Kenya u xaqiijiyay in heshiis iyada dan u ah laga gaari doono muranka xuduudka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, Kenyana ay sidaasi u taageerto musharaxnimada Cumar C/rashiid.
Qoraalka Hay’adda waxaa lagu sheegay inaysan caddeyn sida Ra’iisal wasaaraha balantaasi u fulin karo, iyadoo isku day hore oo uu qeyb ka ahaa uu ka socon waayay Baarlamaanka fadhigiisu yahay Muqdisho, isla markaasina aan la hubin in heshiis halis gelinaya xuduudka Soomaaliya uu meel mariyo baarlamaanka Soomaaliya.
HOOS KA AKHRI QEYB KA MIDA QORAALKA
Goobjooge.com