Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qaraxyo Caawa laga maqlay magaalada Muqdisho oo ka dhacay Goobo kala duwan oo ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.

Saraakiisha Laamaha Amnigu dowladda ayaa sheegay in Qaraxyada Caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho ay ahaayeen Qarxyo Dheemish ah iyo Baaruudda Qaraxada oo lagu soo xiray Bacyo, waxayna intaas ku dareeen in ujeedka laga lahaa uu ahaa khalkhal gelinta dadka.

Qaraxyadaas ayaa la sheegay inaysan cidna wax ku noqon, isla markaana dadkii ka dambeeyay lagu raad gooyo, iyagoo ciidamadu tageen dhowr goobood oo lagu tuhmay inay qaraxyada ka dhaceen.