Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxyo iyo rasaas laga maqlay magaalada Caawa ay u bilaabaneyso bisha Ramadaan ee barakeysan.

Waxaa is mar qura la maqlay Daryanka Madaafiic iyo rasaas ka dhaceya  bartamaha magaalada iyadoo meelo kala duwan oo magaalada ah laga maqlay qaraxyo, waxaana soo baxay weerarro madaafiic ah in lagu qaaday xaafado dhowr ah.

Qaraxyada ayaa isugu jira Hoobiyeyaal iyo Bam Gacmeedyo, waxayna saameeyeen degmooyinka Xamar-weyne, Wardhiigley, Xamar Jajab, Waabari iyo Howl-wadaag, iyadoo wadooyin dhowr ah ay ciidamadu xireen xaaladuna kacsan tahay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Weerar Bam gacmeedyo loo adeegsaday lagu qaaday Guriga gudoomiyihii hore ee degmada Hawladaag Maxamed Abuukar Jacfar oo ku yaalla degmada, iyadoo qasaare dhaawacyo ah ka dhasheen.

Hoobiyayaal ayaa la sheegay inay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada iyo degmada Xamarweyne, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in kooxda Alshabaab  ay caawa ku ekeysay qeybo badan oo ka mida magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Amniga oo sheegay in Qaraxyadii Muqdisho ee Caawa ay ahaayeen Dheemish & Baaruud lagu….