Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa jawaab culus kasoo saartay shaqo joojin ay ku dhawaaqeen Shirkaddaha Diyaaradaha ee Duulimaadyada gudaha iyo eedeyn ay u jeediyeen HJay’adda.
Hay’adda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay inay caqbado ka jiraan bedqabka Ammaanka Garoonada dalka ay ka jiraan wax caqabad ah.
“Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS). HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah” ayaa lagu yiri qoraal jawaab ahaa oo kasoo baxay hay’adda.
Waxay intaas ku dartay inaysan waxba kala soconwarqada lagu baahiyay baraha bulshada oo sumadeedunu ahayd Ref: AOA/008/6/2022, iyo khatarta ay ka hadleysay midna.
Dhinaca kale qaar ka mida shirkadaha Diyaaradaha dalka ayaa shaaciyey inay caadi u socdaan howlahoodii duulimaad oo aanay qeyb ka ahayn shaqo joojinta la shaaciyey. Shirkaddahasi waxaa ka mida Daruro Airlines, Freedom, Blue Sky iyo Halla Airlines.
