Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa shaacisay inay joojisay Qandaraasyo Malaayiin Doolar ku baxeyso oo uu saxiixay wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya.
War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Qandaraasyadan loo diray baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la gaarsiiyey Hanti-dhowrka. Hay’adda NISA ayaan magacaabin wasiirkii hore ee Amniga oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamed.
“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA
Arrintan ayaa u muuqata mid dembi lugaha u gelin doonta Wasiirkii ee Amniga oo hadda ka mida mucaaradka sida weyn ugu kacsan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.