Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa baareysa dhammaan shaqaalaha Hay’adaha dowladda oo la marsiinayo baaritaan dhinaca Amniga ah si loo ogaado macluumaadooda iyo haddii ay xiriir la leeyihiin Alshabaab ama hore uga mid noqdeen.
Sii-hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Warfaa ayaa qoraal u kala diray 3-dii Bishan dhammaan Hay’adha dowladda, kuna wargeliyey baaritaanka Amniga ee laga sameynayo shaqaalaha dowladda si loo hubiyo macluumaadkooda.
Baaritaankan ayaa hore loogu sameeyay shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir oo looga yeeray Xabsiga Godka Jilacow iyadoo qof waliba su’aalo adag la weydiiyey, lagana dalbaday damiin wakiil ka ah oo dowladda ku jira, taasoo dhibaato ku noqotay shaqaale fara badan.
Haddii wasaaradaha aysan xarun ay ku shaqeeyaan NISA waxaa baaritaanka lagu qaadi doonaan xarunta Xabsiga Godka Jilacow.
