Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsuggidda ee NISA ay xiraan weriiyeyaal soo tebin lahaa bannaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo arbaahinta ee kasoo waramayey ee ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar, 2020..
Ciidamada dharcadka ee ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) oo ay wehliyaan askar boolis oo hubeysan ayaa xiray afar weriye oo kala ah Cali Cilmi Salaad iyo Sakariye Maxamed Salaad oo ka tirsan Radio Kulmiyw Abuukar Axmed Xasan (Dayax) iyo Cabdirisaaq Cali oo ka tirsan Dalsan TV xilli ay kusii jeedeen goob uu ka dhacayey mudaaharaad ooku taalla degmada Kaaraan, sida uu sheegay ururka suxufiyiinta SJS.
Ciidamada NISA ayaa joojiyay suxufiyiinta oo waddada socday kadibna ku billaabay inay garaacaan iyagoo su’aalo ka weydiiyay shaqada ay u socdeen. Weriyayaasha ayaa lagu xiray Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis, waxaana la siidaayey saddex saacadood kaddib iyagoon wax eedeyn lagu oogin. Qalabkoodii shaqada (telefoonnada iyo kaamirooyinka) oo laga qaatay markii hore ayaana dib loogu soo celiyay.
– Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay falalka xarigga sharci darrada, xayiraadda iyo hanjabaadaha kale ee ay ciidamada ammaanku ku beegsanayaan weriyayaasha madaxa-bannaan iyo warbaahinta ee kasoo waramayey mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar, 2020.
