Wednesday, June 25, 2025

Hay’adda NISA oo shaacisay in Taliyaha Sirdoonka Dalka Angola uu socdaal ku yimid Muqdisho

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia ee NISA ayaa shaacisay in taliyah sirdoonka dalka Angola oo socdaal rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban ay soo faafisay NISA ayaa lagu yiri: “Taliyaha Siradoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, oo booqasho rasmi ah kuyimid magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, waxayna ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada..”

Dalka Angola oo ku yaalla dhinaca Koonfureed ee Qaaradda Afrika ayaa ah dal nabad ah oo aanay saameyn ku yeelan kooxaha aragagixisada, iyadoo aan la ogeyn ujeedka taliyah sirdoonka dalkaasi ee Muqdisho, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey. laakiin kiiska kaliya ee Angola lugta la galay ayaa ahaa qarixii diyaradda Daallo ee Garoonka Muqdisho, iyadoo la ogaaday in tikidkii qofkii qaraxa ka dambeeyay uu bixiyey xafiis duulimaad oo ku yaalla magaalada Luanda ee dalka Angola.

Gen. José Luís Caetano ayaa xilka Sirdoonka Dibadda ( External Intelligence Service (SIE), ) dalka Angola loo agacaabay bishii April 2018, waxaana uu hore u ahaa taliye ku xigeenka ciidamada dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON