Kadib markii xalay la soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug ayaa dowladda Soomaaliya waxaa soo wajahay xaalado cusub oo ku saabsan maamul u sameynta maamulka Galmudug.
Madaxda Ahlu suna ayaa kulan dhex maray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ka dalbaday inay dowladda Somalia fuliso heshiisyo iyo is-afgarad hoose oo dhex maray oo ay ugu muhiimsan yihiin dalacsiin saraakiishii Ahlu suna ee dowladda Somalia la wareegtay iyo qodob muhiim ah oo ku saabsan in Ahlu suna la siiyo soo magacaabidda 30 xildhibaan oo ka mida xildhibaannada cusub ee Galmudug.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Ahlu suna ayaa wax war ah laga soo saarin, waxaana heshiis kale oo Ahlu suna iyo dowladda Somalia wada galeen uu qodob ka mida dhigayaa in Madaxa xukuumadda Galmudug ee Sheekh Maxamed Shaakir inuu dowladda Somalia la magacaabo guddiga soo xulista xildhibaannada cusub.
Dhinaca kale madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay ka sheegay magaalada Dhuusamareeb in wixii hadda ka dambeeya uu la shaqeyn doono wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuuamdda Soomaaliya, sharciguna uu dhigayo inuu la magacaabo Guddiga Farsamada.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha wixii hadda ka dambeeya Ligligga ayaan kula heysanaa, waxaa jeclahay, Sharcigana uu dhigaayo, in iyadoo wadajir ah la sameeyo Guddiga Farsamada, maalintii la magacaabayay Guddigan hadda jira Sabriye waa soo wacay, waxaan ku iri wax un aan ka wada tashano, inaan marti mar kale noqono ma rabno, xildhibaanada la xulayo yeysan noqon kuwo Xamar laga keeno oo maalintii la rabo loo yeero” ayuu si kulul yiri Xaaf oo ka laabay wakiilashadii wasaaradda arrimaah Gudaha.
Kadib markii ay Galmudug gashay marxalad muhiim ah ayaa waxaa muuqata in dowladda Somalia ay dooneyso inay keligeed maamusho inta harsan qaab dhismeedka Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxda maamulkaasi, iyadoo Ahlu suna iyo Xaaf ay dhinacyada ku dhegan yihiin.