Thursday, June 26, 2025

Hay’adda NISA oo shaacisay inuu xilkii iska casilay Madixii Amniyaadka Alshabab ee G/Banadir

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inuu xilkii iska casilay madixii Amniyaadka Alshabaab ee G/Banaadir.

Qoraal kooban oo goor dhoweyd NISA faafisay ayaa lagu sheegay in khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Alshaabab uu sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin (Mucaawiye) oo ahaa 39 sano jir, kana tirsanaa garabka raacsan Amiir ku xigenka Alshabaab Mahad Karataay.

“Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo 39 jir ah oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah inaan hore loo maqlin mas’uul ka tirsan Alshabaab oo xil iska casilay, iyadoo aan la ogeyn ujeedka NISA ka leedahay faafinta wararka Alshabaab dhexdodoa ku saabsan.

Hay’adda NISA ayaa hore u shaacisay in laba ka mida xubnaha sare ee Alshabaab ay ka hor yimaadeen qaraxyada is-miidaaminta ah, taasoo keentay inuu xilka ka qaado Amiirka Alshabab, waxaana qoraalkaasi uu dhaliyey muran weyn oo gaaray in NISA lagu tuhmo inay afhayeen u noqotay Alshabaab.

AKHRISO WARKII MURANKA DHALIYEY EE NISA HORE U SHAACISAY

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON